WARARKA




Dawlada Denmark Oo 154 Soomaali ah ku Celinaysa Dalkooda.

Heyยดadda Qaxootiga dalka Denmark ayaa sharciga magangalyada dib ugu celisay 59 qof soomaali ah, kuwaasoo kamid ahaa 214 qof oo cabasho ka gudbiyay goยดaan ahaa inay Denmark isaga baxaan.

Heyยดadda oo qof walba si gooni ah kiiskiisa u qiimeysay ayaa goยดaamisay in 59-kan qof aysan amni waara ku heli karin Soomaaliya, sababo kala duwan. Sidaas darteedna loo soo celiyo sharcigii magangalyada ee lagala noqday markii hore.

154-ta qof ee ka soo hartay 214 Soomaali ah ee cabashada gudbiyay, ayaa la siiyay taariikh kama dambeys ah oo ay dalkaas isagaga baxaan.

214 qof ee cabashada ka gudbiyay goยดaanka lagu amray inay Denmark isagaga baxaan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad 1,200 Soomaali ah oo dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

GABILEY.NET