Deg Deg 10 Qo Oo Caawa Lagu Laayay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa caawa lagu dilay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo xiisad ka dhaliyay magaalada.

Dadkan lagu laayay duleedka Gaalkacyo ayaa dilkooda ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan la dilay oo gaaraya 9 ruux loo dilay dilka wiilka dhalinyarada oo dableyda dilka geysatay ay u aaneyneynaa inay ka dambeeyeen dilkaas.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in dadka ay dileen ka uruuriyeen gudaha magaalada, dabadeedna ay geeyeen duleedka, halkaasoo ay ku xasuuqeen.

Meydadka dadka lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la isugu geeyay Isbitaalka, waxaana arrintan ka dhalatay fitno qabiil.