Faaraxow Ka Joog!…W/Q:-A/risaq Askar.

Waxay ku beegnayd badhtamihii Sannadkii 1988, Gudagalkii Xoogagii SNM, waxaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Burco ka socday Dagaal kulul oo u dhexeeyey Mujaahidiintii SNM iyo Ciidamadii Kaligii taliye Siyaad Bare, waxaa dalka intiisii kale ka aloosanaa Qax iyada oo ay maatidii ( haweenkii iyo caruurtii) ay ka firdhanayeen Xasuuqa iyo Xabada la isway-daarsanaayey halka in badan oo kalena ay isku diyaarinayeen Qaxitaan.

Aynu u daadagno Ujeeddada Maqaalka, goobtu waa Degmadii Gabiley, khaasatan, goob u dhaxaysay magaalooyinka Arabsiyo iyo Alaybaday, waa hoygii nin la odhan jirey Faarax oo hadda xijaabtay Alle ha u naxariistee oo isku diyaarinayay inuu Lafihiisa iyo ka Qoyskiisa kula fakado dhinaca Ethiopia, balse intuuna ka hayaamin Hoygii uu ku noolaa waxaa soo dhinac maray Ciidan lug ah oo uu sii jeeday dhinaca Magaalada Arabsiyo.

Tacadigii, Xasuuqii, iyo Dhibtii Shacabka la baday , Guda galka SNM waxay u ahayd Farxad iyo Fursad Dahab ah waxayna kusoo dhaweyeen si farxad iyo qiiro huwan. Faarax oo markay Ciidanku dhinac marayeen ku sugnaa Guriga Isaga iyo Qoyskiisu, waxa uu isku qanciyey inuu Gulufkan Ciidan ay yihiin Xoogagii SNM, waxaana uu go’aansaday inuu farxad iyo rayn-rayn kala hortago balse Qoyskiisii ayaa u sheegay inayna ahayn Xoogagii SNM oo ay yihiin Faqashtii waxayna ku dhawaaqayeen qoyskiisu; “ Faaraxow ka joog” Aabo Ka jog” “Aabo ha is haligin” Oday faarax qiiradii madaxmartay darteed kama uu qaadan digniintii qoyskiisa kaga timid, waxaana uu si miyir la’aan ah ugu dhex dhacay Ciidankii meesha maraayey isaga oo ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyn ah oo ay qiiro ku dheehan tahay, Faqashtii fahantay Oday Faarax waxna may dareensiin.

Faarax waxa uu ka codsaday inuu kamid noqdo xooga meesha maraayey oo uu isku qanciyey inay guluf dagaal ugu socdaan Faqashta degan Arabsiyo, Faqashtii aqbashay oo ku rartay Agab badan oo ay siteen, siday u socdeen ayay galeen Saldhigii Arabsiyo, halkaas ayaa Caqligii ugu soo noqday oday Faarax, kuna garawsaday cida uu la socday inay yihiin Faqashtii, Ileen tallo iskuma kaa sheegto, waxa uu hoos isugu canaantay” Allaw dhulka yaa hoos kuula gooya” Allaw yaa riyo kaaga dhiga” Faqashtii isla markiiba qol-yar oo madaw ku xabistay Faarax, Maalmo ku jir halkii, Qoyskiisiina firdhay, Nasiib wanaag waxa naftiisii bad-baadshay Taliyihii Saldhiga oo ahaa nin kasoo jeeday Gobolka Sool oo ahaa nin aan ku milmin habdhaqankii foosha xumaa ee Faqashtu ku haysay Rayidka aan waxba galabsan, taliyahaa badbaadiyey hadda waa Saraakiisha Ciidanka Police ka Somaliland. Waana Sarkaal Cabdi Abokor
Markii laga sii daayey Xabsiga /Saldhiga waxa uu u fakaday Magaalada Alaybaday oo ay wakhtigaa ku sugnaayeen Qoyskiisii, waxaana uu ku calaacalay markii uu gaadhay Reerkiisii, kor iyo hoosba waad iigu sheegteena , ANIGAA LA II TAAGWAAYEY! ANIGAA LA II TAAGWAAYEY! ANIGAA LA II TAAGWAAYEY! ANIGAA LA II TAAGWAAYEY! ANIGAA LA II TAAGWAAYEY! SI WALBA WAAD IIGU SHEEGTEEN!  SI WALBA WAAD IIGU SHEEGTEEN!!!  KOR IYO HOOSBA WAAD IIGU SHEEGTEEN, KOR IYO HOOSBA WAAD IIGU SHEEGTEEN ; ANAA LA II TAAGWAAYEY, ANAA LA I KARIWAAYEY………………………….!

Gabagabadii, BAL ADBA …..!!!!!!!!!!!!!!!

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland