Galkacyo: Sarkaal ka Tirsanaa Qaramada Midoobay Oo La Dilay

VOA: Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ku dilay wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre, kuna magac dheeraa Fiimto.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo kuhubaysan bastoolado ay ka toogteen madaxa.

Laamaha aniga Iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin dilka sarkaalka, sidoo kalana lama aqoonsan ciddii ka dambeysay dilka sargaalka, hayeeshee ciidamda amniga Galmudug ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas xalay ka dhacay daanta koonfureed ee galkacyo.

Waa dilkii labaad ee Galkacyo ka dhaca inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaana dilkii hore loogaysay Taliyihii Howlgaladda Ciidanka Xasilinta Gobalka mudug kaasi oo isagana la toogtay xilli uu ka soobaxay masjid uu Taraawiix kusoo tukaday, hase ahaatee Laamaha amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin

Dhinaca kale, wararka laga helayo Gobalka Gal-gaduud ayaa kusoo waramaya in saddax qof aano qabiil loogu dilay deegaan hoostaga degmada Dhuusamreeb ee Gobalka Gal-gaduud waxaana wax garad ku sugan Dhuusamreeb ay VOA u sheegeen inay socdaan dadaal lagu baajinayo colaad halkaa ka dhacda.

VOA