Halkan Ka Daawo-Aas Qaran Oo Jigjiga Loogu Sameeyey Alle haw Naxariistee Abwaan Sangub iyo Madaxda Ka Qayb Gashay.

Wajaale(GNN):-Waxaa maanta oo Jimce ah Magaalada Jigjiga aas Qaran loogu sameeyay Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) 00 Doraad ku Geeriyooday Magaalada Addis Ababa.

 

Marxuumka oo Meydkiisa Magaalada Addis Ababa lagaga soo qaaday diyaarad, ayaa waxa Xabaalihii lagu aasayey geeyay Ciidammada Amniga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Diyaaradda ka soo dejiyey Meydka.

Aaska Marxuum ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal Qof oo Hal-doorka Bulshada Soomaalida ah iyo Abwaano iyo Fanaaniin caan ah, kuwaasi oo ka kala yimid guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar oo Xukuumaddiisu ka shaqaysay in si Maamuus leh loo aaso Abwaanka ayaa halkaa Hadal ka jeediyey, waxaanu Marxuumka ka Tacsiyadeeyay Eheladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ergooyin Aaska ka qayb-galay oo ka kala socday Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Meelo kale oo badan ayaa buux dhaafiyey Garoonka diyaaradaha ee Meydka Marxuumka laga soo dejiyey iyo Hareeraha Xabaasha.

Dadka Aaska ka qayb-galay oo halkaa u tagay inay muujiyaan ahmiyadda uu Bulshada Soomaalida Agtooda ka lahaa Abwaanku ayaa Wejiyadooda laga dheehanayey siday uga murugaysan yihiin Geerida Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub).

Waxa Xusid mudan, in Naxashka Meydka Marxuumka lagu siday Dusha laga saaray Maro Cad, taasi oo la sheegay in looga jeedo inay astaan u tahay in Marxuumku ahaa Abwaan nabadeed, isla-markaana uu mar walba nabadda ka shaqayn jiray.