Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo soo Bandhigay Dacwad ay ka Gudbinayaan Idaacadda BBC-da

Lodon(GNN)-Guddi  ka socota jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah dhexdhexaadnimo la’aanta laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay u gudbinayaan dawladda Ingiriiska.

Guddidan oo magaalada London ugu warramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay  go’aansadeen inay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ka dacweeyaan dawladda Ingiriiska, waxaanay  soo bandhigeen qoraal dacwadeed furan oo  ay ilaa hadda  saxeexeen dad ku dhow saddex kun oo qof oo reer Somaliland ahi.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) isla markaana ahaan jiray  Guddoomiyihii labaad  ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in dacwadda ay wadaan   ka dhallatay markii laanta afsoomaaliga ee BBC-du isu beddeshay mid u furan dacaayadaha ka dhanka ah Somaliland isla markaana  ay  ka leexatay  dhexdhexaadnimadii laga doonayey inay  ugu warranto Soomaalida.

Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) wuxuu tilmaamay in dhowaan laanta Afsoomaaliga ee BBC-du ay sii deysay war ka dhan ah siyaasiga Nigel Farage oo ku xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka Yurub oo ay  sifeeyeen in xagjiriinta Yurub ay taageereen Somaliland, kaasi oo cadaawad lagaga dhex dhalinayo Somaliland iyo bulshada reer Yurub.

Mustafe Shiine Wuxuu  tilmaamay inay BBC-du siyaasigaas Ingiriiska ah ay BBC-du  u cambaareysay  inuu taageeray qaddiyadda Somaliland sannadkii 2015kii oo uu madax ka ahaa  xisbigii la odhan jiray UKIP. Waxa kaloo uu jaaliyadda Somaliland ee UK ugu baaqay inay saxeexaan galdac-wadeedka ay diyaariyeen ee lagu difaacayo danaha Somaliland.

Sidoo kalena,  La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Saxaafadda Khadar Cali Gaas  iyo Cabdalla Saalim oo ka mid madaxda Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ayaa ka warramay dhexdhexaad la’aanta Idaacadda BBC-da iyo Dacwadda ay gudbinayaan.