WARARKA




Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo soo Bandhigay Dacwad ay ka Gudbinayaan Idaacadda BBC-da

Lodon(GNN)-Guddi ย ka socota jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah dhexdhexaadnimo laโ€™aanta laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay u gudbinayaan dawladda Ingiriiska.

Guddidan oo magaalada London ugu warramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inayย  goโ€™aansadeen inay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ka dacweeyaan dawladda Ingiriiska, waxaanay ย soo bandhigeen qoraal dacwadeed furan ooย  ay ilaa hadda ย saxeexeen dad ku dhow saddex kun oo qof oo reer Somaliland ahi.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) isla markaana ahaan jirayย  Guddoomiyihii labaad ย ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in dacwadda ay wadaanย  ย ka dhallatay markii laanta afsoomaaliga ee BBC-du isu beddeshay mid u furan dacaayadaha ka dhanka ah Somaliland isla markaanaย  ay ย ka leexatay ย dhexdhexaadnimadii laga doonayey inay ย ugu warranto Soomaalida.

Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) wuxuu tilmaamay in dhowaan laanta Afsoomaaliga ee BBC-du ay sii deysay war ka dhan ah siyaasiga Nigel Farage oo ku xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka Yurub oo ayย  sifeeyeen in xagjiriinta Yurub ay taageereen Somaliland, kaasi oo cadaawad lagaga dhex dhalinayo Somaliland iyo bulshada reer Yurub.

Mustafe Shiine Wuxuu ย tilmaamay inay BBC-du siyaasigaas Ingiriiska ah ay BBC-duย  u cambaareysay ย inuu taageeray qaddiyadda Somaliland sannadkii 2015kii oo uu madax ka ahaa ย xisbigii la odhan jiray UKIP. Waxa kaloo uu jaaliyadda Somaliland ee UK ugu baaqay inay saxeexaan galdac-wadeedka ay diyaariyeen ee lagu difaacayo danaha Somaliland.

Sidoo kalena, ย La-taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa Saxaafadda Khadar Cali Gaas ย iyo Cabdalla Saalim oo ka mid madaxda Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ayaa ka warramay dhexdhexaad laโ€™aanta Idaacadda BBC-da iyo Dacwadda ay gudbinayaan.