Janaraalkii ka Denbeeyay Afganbigii Dhicisoobay Oo Lagu Dilay Gobolka Amxaarada.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi ay dileen sargaalkii ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sabtidii ka dhacay xarunta ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Janaraal Asamnew Tsige ayaa la rumeesan yahay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay afgembiga fashilmay ee lagu dilay Madaxweynihii dowlad goboleedka Amxaarada iyo taliyihii ugu sareeyay ciidamada Difaaca Itoobiya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa ku warameysa in sargaalkan lagu dilay goob aan ka fogeyn meeshii sabtidii uu ka dhacay weerarka lagu dilay Madaxweynaha maamulka Amxaarada iyo saraakiil kale oo badan.

Janaraalka la dilay ee ka dambeeyay afgembiga fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada ayaa sanadkii hore laga soo daayay xabsi uu ku xirnaa mudo 9-sano ah kadib cafis ay dowlada u fidisay.

Sargaalkan ayaa horey dowladii hore u xirtay kadib markii lagu tuhmay in uu maleegayay afgembi, waxaana hada gobolka Amxaarada ka socda baadi goobka xubno kale oo ku lug lahaa afgembiga fashilmay ee lagu dilay madaxda kala duwan.

GABILEY.NET

 

Exit mobile version