Kenya Oo Lagu Arkay Markii Ugu Horeeysay Cudurka Ebola.

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay Dhaqaatiirta Dalkeeda, markii ismaamulka Kericho, oo ku dhow xadka ay la wadaagto Yugaandha lagu arkay Haweeneey loo maleeyay in uu hayo caabuqa Ebolla.

Bukaankan ayaa laga helay Calaamado muujinayo cudurka looga shakiyay ee Ebola, iyadoo ay weli dhaqaatiirtuna ku mashquulsan yihiin.

Haweeneydan oo aan Magaceeda la shaacin ayaa Maqribnimadii Shalay la dhigay Isbitaalka Kericho, waxaana lagu war geliyay shaqaalaha caafimaadka in aan wax xiriir ah lala sameyn bukaanka.

Saraakiisha Caafimaadka ee Kericho , ayaa Maanta oo Isniin ah sheegay in Haweeneydan ay ka timid degaanka Malaba, oo dhaca xadka Yugaandha iyo Kenya.

Madaxa xiriirka Bulshada ee ismaamulka, Kericho, Timothy Kemei, ayaa sheegay in ay waaxda caafimaadka ee maamulkaasi ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dheeri ah oo ku aaddan la tacaalidda dadka uu soo rito cudurka, si ay ula wadaagaan Dowladda dhexe.