Kenya Oo Xayiraadii ka Qaaday Kalluumeysatada Lamu Ee Xeebaha U Dhaw Somaliya.

Dowlada Kenya ayaa xayiraadii saarneyd kalluumeysatada Lamu ka qaaday, kuwaasoo hore looga joojiyay inay ka jillaabtaan goobaha badda ee u dhow xadka Soomaaliya.

Fasaaadan ayaa timid kadib markii ammaanka xeebaha sare loo qaaday, iyadoo goobaha kalluumaysatada la geeyay ciidamo Milatari ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Maamulka xeebaha dalka Kenya John Elung.

Dowlada Kenya ayaa ka mamnuucday horaantii bishan kalluumeysatada Kenya meelaha u dhow dhow xadka dalka Soomaaliya gaar ahaan Ras Kamboni sababo amni awgeed, waxayna mamnuudidan lagu soo rogay kalluueysatada Lamu ay ka mid ahayd tallaabooyin is xig-xiga oo ay dowlada Kenya qaaday kuwaasoo loogaga soo horjeedo dowlada Soomaaliya.

GABILEY.NET