Koobka Qaramada Afrika: Mo Salah oo difaacay ciyaartoy lagu eedeeyay inuu xadgudub gaystay

Laacibka xulka waddanka Masar Maxamed Saalax ayaa la dhaleeceeyay kaddib markii uu soo jeediyay in “fursad kale” la siiyo ciyaartoy ay xulka Masar ka wada tirsan yihiin oo lagu eedeeyay inuu gaystay xadgudub galmo.

Xidiggan u dheela kooxda Liverpool oo bishii Abriil u sheegay wargeyska Time magazine in ay tahay la badelaa habka loola dhaqmo haweenka Bariga Dhexe, ayaa Khamiistii waxa uu bartiisa Twitterka ku difaacay ciyaaryahan Caamir Warda.

Kaddib markii ay soo gudbiyeen eedo ah inuu ciyaaryahankaasi kula kacay xadgudub galmo, ayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee waddanka Masar (EFA) waxa uu Warda ka joojiyay inuu ka sii qeyb qaato Koobka Qaramada Afrika (Afcon) kaas oohaatan ay martigelinayso isla Masar.

Mohamed Salah during the 2019 Africa Cup of NationsLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSawir laga qaaday Maxamed Saalax intii uu socday Koobka Qaramada Afrika ee 2019

Ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ayaa bilowgii hore waxa uu diiday eedaha loo soo jeediyay hasayeeshee Khamiistii ayuu waxa uu Twitterka soo dhigay muuqaal uu raali gelin ku bixinayo, waxa uuna ballanqaaday in dhacdooyinka noocaas oo kale ah aanay soo laaban doonin.

Xiriirka Kubadda Cagta ee waddanka Masar (EFA) ayaa markaa kaddib ka laabtay go’aankii hore, waxa uuna xiriirku sheegay in Warda – oo u dheela kooxda PAOK ee waddanka Girigga – uu ka qeyb qaadan karo tartanka.

Dad kale oo isticmaalayay baraha bulshada ayaa sidoo kale waxa ay dadka la wadaageen muuqaallo iyo qoraallo ay ku sheegayaan inay ka yimaadeen Warda oo ku xadgudbaya iyaga iyo haween kale oo ku jira online-ka.

Waxyar un kaddib markii xulka Masar uu ka adkaaday xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo sidaana uu ugu soo gudbay wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika, ayuu Mo Salah waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay in saaxiibkii “aanay ahayn in geeska la galiyo”.

“‘Maya’ waa ‘maya’”, ayuu soo qoray, ka hor inta uusan ku darin, “inta badan dadka khaladka sameeya qaab wanaagsan waa ay isu badeli karaan in isla markiiba dhinaca la galiyana ma ahan”.

Farriin labaad ayuu Salah ku sheegay: “Waa inaan rumaysnaanaa fursadda labaad… waa inaynu dadka hagnaa oo waxbarnaa. In qofka la takooro xalku ma ahan.”

Xigasho bbc