Laanta Aminga Qaranka Swedan Oo Shan Wadaad Tarxiilaysa

Laba qofood oo kale oo ka mid 6 qofood oo ay soo qabatay hay’adda Nabad Sugidda Sweden ee Säkerhetspolisen ama Säpo.

Waxaana lagu wadaa in Sweden laga musaafuriyo, kaddib markii ay sidaa go’aamisey Waaxda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket.

Imaamyadan la musaafurinayo oo aan magacyadooda la sheegin ayaa kala ah imaam uu fadhigiisu yahay gobollada dhexe ee Sweden, iyo nin kale oo xiriir dhow la leh masjidka magaalada Gävle.

Hay’adda Nabad Sugidda Säpo ayaan soo bandhigin caddaymo waadax ah, balse war saxaafadeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in ashkhaasta ay ku dheggan tahay lagu haysto inay asaasi u ahaayeen howlo xag-jirayn ahaa oo abuuri lahaa bay’o ay ku barbaari karto xag-jirnimo marka dambe gacan ka hadal dhalin karta.

Guud ahaan ilaa iminka dadka la musaafurinayo waa 5 ka mid ah 6-dii qof ee la qabtay.

Seddexda qof ee kale waa Imaamka masjidka Gävle, wiilkiisa iyo imaam kale oo si firfircoon uga tirsanaa masjid aan la carrabaabin oo ku yaalla woqooyiga Sweden.

Dadkan la xirey ayaa loo cuskaday xeerka la socodka dadka laga shakiyo ee soo galootiga ah, kaasoo Nabad Sugidda Säpo siinaya xuquuq idman oo ay ku codsan karto in Sweden laga cayriyo dadka ay u calaamayso inay halis ku yihiin amaanka qaranka Sweden.

Xigasho Radio Swedan