Laba Qarax Oo Hada Ka Dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somaliya

Moqdisho (GNN):- Wararka aan ka helayno agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadhi qarax ka buuxo uu halkaasi ku qarxay.

Gaadhigaan ayaa la sheegay inuu si xoog ah ku soo dhaafay Koontarool Ciidamada Booliska ku leeyihiin agagaarka Isgoyska dabka, kadibna Ciidanka rasaas ay ku fureen gaadhiga.

Wararka ayaa sheegaya gaadhi oo ku socda xawaare dheereeya inuu ku qarxay Koontaroolka Sayidka, islamarkaana Jugta Qaraxa si wayn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Xilliga Qaraxan gaadhiga uu dhacaayay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in laga soo baxay Kulankii Baarlamaanka ee maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaan gaadhi ee goor dhaw ka dhacay agagaarka Koontaroolka Ciidanka Militariga ee Isgoyska Sayidka.

Sidoo kale jugta Qarax kale ayaa laga maqlay isla Magaalada gudaheeda, balse wali lama haayo faah faahin rasmi ah oo ku aadan Qaraxaasi.

GABILEY.NET