Maamulka Galmudug Oo Deegaannadiisa ka Mamnuucday Mas’uuliyiinta Dowladda Somaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Galmudug ayaa looga mamnuucay deegaannada uu maamulka ka arimiyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa faraya shirkaddaha diyaaradaha ee taga deegaannada Galmudug in aysan soo qaadi karin islamarkaana ka soo dajin karin deegaannada Galmudug mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiriirka Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sii xumaanaya iyadoo dhowaan amar ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha uu ku gacan seyrey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya go’aan ka gaartay muddo xileedka madaxda Galmudug iyo guud ahaanba doorashada maamulka oo ay sheegtay Wasaarraddu in la qabanayo bisha July soo socta.

Balse madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacanseyray warka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka deegaannada Galmudug looga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda: