Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhambaal Hamalyo Ah U Diray Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan caawa, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo DawladaJabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.