Maraykanka Oo Iran ku Eedeeyay Maraakiib Lagu Weeraray Gacanka Cumaan.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen labo markab oo kuwa saliida qaada oo lagu weeraray gacanka cumaan maanta

Wuxuu sheegay in Maraykanku ay sameeyeen baaritaan ku qotomo xogo sir ah oo la xiriira nooca hub ee loo adeegsaday markiibta. Hase yeeshee Saraakaal sare oo Reer Iiraan ayaa bbc-da u sheegay in Iiran ayan wax lug ah ku lahayn Maraakiibta la weeraray.

44 Badmaaxe oo la socday Labada markab ayaa ciidamada Iiraan ay soo badbaadiyeen iyagoo geeyay Deked ku taala Iiraan.

Mid ka mid ah maraakiibka oo laga lahaa wadanka Jaban ayaa siday kiimikada Ethanol oo ka soo qaaday dalka Qatar, , halka Markabka kale o laga lahaa wadanka Norway uu boqortooyada Sucuudiga ka soo qaaday Petrochemical isagoo ku sii jeeday wadanka Taiwan.

Hase yeeshee dowlada Iran ayaa beenisay inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday maraakiibta.

Dhinaca kale, Qaramada midoobay ayaa ka digtay in Caalamku uusan xamili karin dagaal kale oo ka dhacay Bariga dhexe. Xoghayaha guud Antonio Guterres oo ka hadlay kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen xubnaha gollaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay weerarkaasi, Xaqiiqda iyo masuuliyada cida iska lehna la ogaado ayuu ku baaqay.

Weerarka labada markab ayaa imaanaya iyadoo Ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Ab uu ku sugan yahay magaaladda Tehran isagoo isku dayay inuu qaboojiyo xiisada Iiraan iyo Maraykanka ee la xiriir barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Khilaafka wadamada khaliijka iyo Iiraan.

GABILEY.NET