Mareykanka Oo War Ka Soo Saarey Muranka Badda Ee Somaliya Iyo Kenya

Safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya ayaa sheegay inay kaalin ka qaadanayaan xallinta muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kyle McCarter oo wareysi siinayay telefishinka Citizen ee ka hawlgala Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Mareykanka uu ka shaqeynayo sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista khilaafka ka taagan dhul badeedka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in rumeysan yahay in labada dal ay ilaalin doonaan deris wanaaga.

Safiirka oo wax laga weydiyay, aragtida Mareykanka ee ku aadan muranka badda, waxaa uu sheegay in wadahadal lagu dhameeyo muranka isla markaasna ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo arrintaas.

Kyle McCarter waxaa uu sidoo kale sheegay in labada dal aysan inaba kala maarmi karin gaar ahaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga ku aadan arrimaha amniga sidaas darteed ay muhiim tahay inay isku yimaadaan si ay xal uga gaaraan khilaafka ka dhex taagan.

“Mareykanka waxaa uu ka shaqeynayaa sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista muranka, waxaan rumeysanahay in Kenya iyo Soomaaliya ay dhowr doonaan deris wanaaga” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya.

Hadalka safiirka ayaa kusoo aadaya xilli maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay shaacisay xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

Maxkamadda waxay sheegtay in dacwadda labada dhinac ay dhageysan doonto laga bilaabo 9-ka ilaa 13-ka bisha September.

GABILEY.NET