Maxaad Ka Ogtahay Sida Kalluunka Iyo Aargoosatada Loogu Shaqaaleysiinayo Inay Basaas Noqdaan?

Dunidu waxay leedahay taariikh dheer oo ku saabsan in xayawaannada loo adeegsado howlaha basaaska,

 balse qorshahan ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsanayo xayawaanka badda ku jira ayaa loo arkaa inuu yahay midkii ugu layaabka badnaa ee la maqlo ilaa hadda.

Markii dhawaan la arkay kalluunka nooca loo yaqaanno whale-ka oo xiran suunka ciidamada, dadka qaar waxay isla dhex marayeen in xayawaankaas loo tababaray si uu wax ugu basaaso ciidamada Milatariga ee dalka Ruushka.

Arrintaas ma ahayn mid loo rumeysanayay sida ay u muuqatay.

Tan iyo sanadkii 1960-kii, ciidamada badda ee dalka Mareykanka waxay xayawaanka badda ku jira ee loo yaqaanno Yunub-ka ama afka qalaad lagu yiraahdo dolphins u tababarayeen inay ku baaraan miinooyinka badda lagu rido iyo in ay gacan ka geystaan helista ciidamada badda ee xiriirkooda la waayo.

Ruushka laftiisa ayaa la ogyahay inay sidaasoo kale sameeyaan.

Libaax badeedka, jiirka, iyo shimbir badeedka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay ka mid yihiin xayawaannadii loo adeegsaday dhinaca basaaska.

Balse mashruuca ugu dambeeyay ee soo baxay ayaa lagu sheegayaa in waaxda gaashaandhigga Mareykanka ay sameysay cilmi baaris heer sare ah oo ay uga gol leedahay in sare loogu qaado howlaha sirdoonka milatariga, iyadoo la isticmaalayo qaar kamid ah xayawaanka, laga billaabo kalluunka waaweyn ilaa kuwa yar yar.

Qorshahan oo la sheegayo in lagu shaqaaleysiin doono kalluunka iyo aargoosatada ayaa lagu doonayaa inay ka shaqeeyaan howlaha basaaska ee laga fuliyo biyaha hoostooda.

“Waxaan isku dayeynaa inaan fahanno waxa ay xayawaannadan nooga sheegi karaan joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada nooc walba oo kamid ah gaadiidka ka howl gala gunta hoose ee badweynta”, ayuu yidhi Dr Lori Adornato, oo ah maamule barnaamij oo ka tirsan mashruuca dareenka xayawaanaadka ee la magac baxay Pals.

Xayawaanadan nool ee la damacsan yahay in loo adeegsado jaajuusnimada ayaa awood u yeelan kara inay siyaabo kala duwan uga fal celiyaan dhaqdhaqaaqyada gaadiidka badda.

Qaarkood waxay bixiyaan astaamo iftiin ah oo la aqoonsan karo marka ay dareemaan arimo dhibaato ku ah noloshooda.

Tani ayaana qeyb ka ah sababaha khubarada sameeyay cilmi barista ay u daneynayaan in laga faa’iideysto xayawaannadaas qaarkood.

BBC