Maxkamada Itoobiya Oo Markii Ugu Horaysay Lasoo Taagay Madax ku Eedeysan Afganbigii Gobolka Amxaarada.

Maxkamad ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis ayaa maanta markii ugu horaysay kasoo hor muuqdeen lix qof oo loo haysto isku daygii afganbi ee ka dhacay gobolka Amxaarada maalintii sabtidii, sida uu sheegay qareenkooda, kuwaasoo lagu eedeeyay falal argagixisanimo.

Xaakimka maxakamada ayaa booliiska ku amray in eedaysaneyaasha la sii hayo 28 maalmood,isgoo ka dalbaday inay mudadaasi kadib lla yimaadaan caddaymo dheeri ah.

Saddex ka mid ah dadka lixda qof ee ku eedaysan isku daygii afganbi ayaa xubno ka ah koox lagu magacaabo Baladera Council ama guddiga ku meelgaarka ah ee Addis Ababa, kuwaas oo ah koox siyaasadeed oo sheegtay in ay u ol’oleeyaan muwaadiniinta dagan caasimadda.

Sikastaba ha ahaatee arintan ayaa noqonaysa dadkii u horreeyay ee maxkamad la soo taago tan iyo markii ay iskudaygii afganbi uu ka dhacay gobolka Amxaarada Sabtidii, taasoo horseeday geerida taliyihii guud ee milatariga Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo afar masuul oo kale, iyadoo ay dawladu ku eedeysay Sarreeye Guuto Asaminew Tsige in uu maleegay isku daygii afgambiga kaasoo isna la dilay.

GABILEY.NET