Maydka Abwaan Singub Oo Jigjiga Laga Dajiyay

Waxaa magaalada Jigjiga gaaray maydka Abwaan Maxamed Cabdullaahi Singub, oo miisaan culus ku lahaa fanka iyo Suugaanta Soomaaliga, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee magaalda Jigjida Cabdinaasir Xikam.

Abwaanka Allaha u naxariistee wuxuu talaadadii ku naf baxay magaalada Addis Ababa.

Ciidammada baambeyda ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo galbiyay maydka, waxaana garoonka ku sugnaa madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo badan.

Waxaa lagu wadaa in abwaanka la aaso salaadda Jimcaha ka dib, sida ay BBC-da u sheegeen guddiga qabanqaabada aaska.

GABILEY.NET