Meydka Wiil Dhalinyo si Xun loo Dilay Oo Saakay Lagu Arkay Magaalada Muqdisho.

Waxaa saakay meydka wiil dhalinyaro ah oo si xun loo dilay lagu arkay xaafada Sarkuusta oo ku dhaw Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa saakay arkay meydka ninkan dhalinyarada ah oo xarig qoorta uga xirnaa sidoo kale indhaha cimaamad looga duubay, lamana oga ilaa hada cida dilkaasi ka dambeesay.

Meydka ninkan dhalinyarada ah oo saacado yaalay deegaanka Sarkuusta ayaa dadka xaafadaasi degan aqoonsan waayeen, waxaana markii dambe meydka goobtaasi ka qaaday ciidamo booliis ah oo geeyay xarunta dambi baarista CID-da.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waayahan looga baran in lagu arko dad la dilay oo meydadkooda lasoo dhigo wadooyinka, waxaana meydkan saakay la arkay cabsi badan ku abuuray dadka degan goobta lagu arkay.