Mursi Oo Si Dhakhso Ah Loo Aasay Iyo Shaki Wayn Oo Laga Muujay

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa lagu aasay magaalada Qaahira saacado uun ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad dhexdeed.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay.

Waxaa loo diiday in ay maydka qaataan si ay ugu aasaan deegaankii uu ku dhashay bulshaduna uga qayb qaadato aaskiisa.

Madaxweynahan hore oo diinta Islaamka ku dhaganaa ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

GABILEY.NET