Nin Maalqabeen Ah Oo Jaamacad Ugu Deeqay In Kabadan 150 Milyan Oo Doolar

Jaamacadda Oxford ee ku taalla UK ayaa aqbashay deeq lacageed oo aad u badan si ay u samayso mac’had cusub oo lagu barto anshaxa caqliga macmalka ah, waa dhaqaalihii ugu badnaa ee mar qura wada socda ee abid loogu deeqo jaamacad dalkaas ku taalla.

Stephen Schwarzman oo ah nin Maraykan ah oo bilyoneer ah ayaa jaamacadda siiyay 150 milyan oo giniga istarliinka ah, ninkaas ayaa lataliyeyaal u soo noqday madaxweyneyaal Maraykan ah oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan kuwaas oo uu ku jiro Donald Trump.

Dhisme cusub oo lagu baranayo culuunta banii’adaminimada ayuu mac’hadkaasi hoy u noqon doonaa.

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in arrintani ay tahay maalgalin Britain lagu sameeyay “oo ahmiyad leh isla markaasna caalami ah”.

Hubaanti la’aan haysata jaamaacadaha

Iyadoo lagu jiro wakhti ay jaamacaduhu wajahayaan hubaanti la’aan marka ay timaado maalgalinta cilmi baarista sababtuna ay tahay ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub ayay arrintan kabid dhaqaale oo baaxad leh u noqonaysa jaamacadda Oxford.

Mudane Schwarzman oo ah madaxa shirkadda gaarka loo leeyahay ee Blackstone ayaa ah mid ka mid ah bilyaneerrada ugu caansan Maraykanka.

Wakhtiyadii hore qaab nololeedkiisa oo ay dhaqaale badan ku baxdo ayaa dhaleecayn soo jiitay, balse wakhtiyadan dambe wuxuu noqday nin aad u gacan qabta waxbarashada.

BBC