Nuxurka Fariin Gudoomiye Ciro Uu U Diray Madaxwayne Muuse Biixi +[Muuqaal]

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Twitterka ku faafiyay farriin ku socota madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuxurkeedu yahay in uu fuliyo heshiiskii dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

 Farriinta Cirro ayaa u dhigan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA 

GABILAY.NET