Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abby Ahmed Oo Gaadhay Dalka Sudan

Khartoum(GNN) Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abby Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan si uu u dhex-dhaxaadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmay Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiray booqashada halka maalin ah.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.

Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan ay xubnaha golaha maanta ku yeesheen magaalada Addis-Ababa.

Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.

 

GABILEY.NET