Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Taliyihii Guud Ee Ciidanka Millatariga Iyo Taliyeyaal Kale

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa taliyaha ciidamada dalkaasi u magacaabay Jeneral Adem Mohammed oo beddelaya taliyihii hore ee la diley Jeneral Seare Mekonnen.

Raysal Wasaaraha Ethiopia waxa uu sidoo kale magacaabay taliyaha ciidammada Nabadsugidda inuu noqdo Demelash Gebremichael, kaas oo badali doona Jeneral Adem Maxamed oo xilkaasi hore u hayay.

Jen. Adem Mohammed taliyaha cusub ee ciidammada difaaca Itoobiya ayaa ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada, halka Demelash Gebremikael uu isaguna ka soo jeedo qoomiyada Oromada.

Isbeddelka ayaa ka dambeeyay markii toddobaadkii hore Afgembi fashilmay uu ka dhacay maamulka Amxaradda ee dalka Ethiopia, kaas oo galaaftay nolosha saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad kale oo loo xidhay afgembigaa.

Waxaanay arintaasi keentay in kor loo qaado amniga dalka Ethiopia oo tan iyo intii uu talada dalkaasi la wareegay Raysal Wasaare Abiy Axmed ay ku timid furfurnaan farabadani.

GABILEY.NET