Real Madrid Oo La Wareegtay Hazard Iyo Neymar Oo Ka Jawaabay Kufsi Loo Haysto

Real Madrid Oo La Wareegtay Hazard Iyo Neymar Oo Ka Jawaabay Kufsi Loo Haysto

Kooxda Real Madrid ee horyaalka dalka Spain ayaa ku guulaysatay in dhigeeda England ee Chalsea ay kala soo wareegto weeraryahanka Eden Hazard.

Kooxda Real ayaa si rasmi u shaacisay in weeraryahanka kabtanka u ah xulka Belgium ee Eden Hazard ay la gaadhay heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo garoonka Bernabue.

Eden Hazard has been at Chelsea since 2013. GOAL

 

Weeraryahanka Eden Hazard ayaa mudo dheer ay bartilmaameedsanaysay kooxda Real Madrid isaga oo qorshaha uu kaga tagay Chelsea diyaariyey wakhtigii uu koobkii aduunka ee 2018 kaga qayb galayey wadanka Ruushka.

Qiimaha ay kooxda Real Madrid kula wareegtay ciyaaryahankan ayaa lagu sheegay inuu u dhaxeeyo £88million ilaa to £130m sida lagu sheegay war ka soo baxay maamulka kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Brazil Neymar ayaa su’aalo lagu weeydiiyay saldhig ku yaala magaalada Rio de Janeiro isaga oo loo heysto eedeymo la xidhiidha kufsi.

Xogtan waxaa xaqiijiyay garyaqaanka u doodaya ciyaartooyga.

Gabadh lagu magacaabo Najila Trindade ayaa ku ashtakootay in Neymar uu ku kufsaday qol hoteel oo ku yaala Paris, 15-kii May.

Gabadhan ayaa taleefishin ku yaala Brazil u sheegtay in ay doonayso caddaalad.

Eedeymaha ayaa durbaba waxyeeleynaya ciyaartooyga, iyada oo shirkadda kaararka lacagta ee Masters ay xiddiga ka saartay dadka adeegooda u xayeysiiya.

Sidoo kale shirkadda dharka isboortiga soo saarta ee Nike ayaa iyaduna sheegtay in ay ka welwelsan tahay wararka soo baxay.

Neymar ayaa la sheegay in uu saldhiga boolis tagay isaga oo wata biraha curyaamada kaddib markii uu dhaawac kasoo gaaray ciyaar dhexmartay Brazil iyo Qatar.

Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa Neymar ku booqday cisbitaalka ka dib dhaawacaas soo garay wuxuuna u sheegay in uu “u rjeynayo in sidegdeg ah uu u caafimaado”.

“Xaalad adag ayuu ku jiraan laakiin waan aaminsanahay”, ayuu yidhi madaxweynaha Brazil.

Xiddiga ayaa sheegay in uu ka gallad sheeganayo taageerada loo fidiyay iyo fariimo badan oo uu adduunka ka heley.

Gabadhan ayaa warbaahinta Brazil u sheegtay in markii hore ay labadooda iska heleen, doonaysayna in ay wax dhex maraan, balse markii ay kula kulantay Paris uu ula dhaqmay si aysan jecleysan, islamarkaasna uu xoogay, iyaduna rabtay in si tartiib ah wax u dhex maraan.

GABILEY.NET