Ruushka Oo Soo saaray Nooc Cusub Oo Diyaaradaha Drone-ka Wax Basaasa Ah.

Dalka Ruushka ayaa soo bandhigay nooc cusub oo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, taas oo loo adeegsanayo hawlaha basaasida ee dhinaca milatariga.

Diyaaradan drone-ka ee cusub ayaa Wasaarada Difaaca ee dalka Ruushku ay ku soo bandhigtay maalintii shalay bandhig dhinaca milatariga ah oo sanad kasta lagu qabto caasimada dalka Ruushka ee Moscow.

Waxaana diyaaradan yar ee drone-ka ah loo ekaysiiyey shimbirka Baaska ama Guumaysta ay dadka soomaalidu u yaqaanaan oo cagaha hawada ku kala fidisay.

Drone-kan cusub ayaa ah sidoo kale lagu hagi karaa remote-control, waxaana culayskeeda lagu sheegay 5kg oo kaliya, iyadoo duuli karta masaafo aad u dheer, loona isticmaali karo dhinaca milatariga oo kaliya.

GABILEY.NET