Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Magaalada London.

Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Hal qof ayaa lagu dilay weerar dhacay saacadihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan inay noqoneyso dilkii Saddexaad.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in habeenimadii xalay nin 30 jir ahaa lagu dilay agagaarka daarta Tower Hamlets ee bariga London.

Khaarijinta ninkaan ayaa ku soo aadeysa saacado kadib markii laba qof lagu toogtay magaalada.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan sidii looga jawaabi lahaa falal danbiyeedyada ku sii kordhaya caasimada UK.

Budhcada geysaneysa dilalka ayaa badi adeegsanaya toori, waxaana ay arintaan walaac ku abuurtay shacabka magaalada London.