Safaarada Maraykanka Ee Addis Ababa Oo Digniin Soo Saartay.

Safaarada dalka Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa soo saartay digniin ku saabsan xaalada magaalada Addis Ababa oo ay tilmaantay in rasaas laga maqlayo kadib markii xalay lagu dilay magaaladaasi taliyihii ciidamada qalabka sida ee dalka Ethiopia, Seare Mekonnen.

Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale uga digtay in shaqaalaheeda Addis Ababa aanay dibada usoo bixin oo ay guryaha iyo xafiisyadooda joogaan, waxaanay tilmaameen inay ka warqabaan rasaaska ka dhacaysa magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa iyaduna ugu baaqday in aan la samayn isku soo baxyo dad farabadan isugu yimaadan, munaasibado iyo in lala socdo warbaahinta gudaha markasta.

GABILEY.NET