Sawirrada Aan La Arag Ee Weerarkii Daaraha Mataanaha Ee Mareykanka

Mid ka mid ah dadka taarikhaha kaydiya oo soo iibsaday cajaladaha ayaa waxaa uu ku dhex arkay 2,400 oo sawir oo muujinaya bur-burkii soo gaaray daarihii mataatanaha ahaa ee magaalada New York, kuwaasi oo la weeraray 11 September 2001.

Sawirrada ayaa u muuqda in uu qaaday mid ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay dib u dhiska daarahaasi kaasi oo aan la garanayn haybtiisa.

Cajaladaha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa baaba’san balse macluumaadka ku kaydsan ayaa ahaa kuwa dib loo soo celin karo.

Ku dhawaad 3,000 oo qof ayaa dhimatay ka dib markii afar diyaaradood oo la soo afduubay lagu weeraray Xarunta Ganacsiga Dunida ee New York.

New York
New York

Waxaa la isticmaalay adeegga dib usoo celinta macluumaadka ee cajaladaha sidaasi ayaana sahashay in la soo celiyo qaar ka mid ah sawiradaasi.

Dr Burgess ayaa sheegay in isaga iyo Mr Scott ay ilaa haatan ku guul-daraysteen in ogaadaan sawir qaadihii amaba cid kale oo lala xiriirinayo arrintan.

Inta badan dadkii ka shaqeeyanay nadiifinta daaraha weerarka ka dib ayaa intooda badan waxaa la soo darsay xanuuno kala duwan. Sida ay sheegtay Hay’adda Kahor-tagga iyo Xakamaynta Cudurrada ayaa sheegtay in ilaa 400,000 oo qof ay aaminsan yihiin in dadkaasi ay sumooween, ama dhaawac uu soo gaaray, amaba shoog ku dhacay.

New York
New York
New York
New York
New York
.
New York
New York
New York
New York
New York
New York