Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliya Ee Fashilmay Iyo Go’aanka Sucuudiga Ee Dhoofka Xoolaha

Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), oo ah Guddoomiyihii ugu horeeyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka halay ayaa ka hadlay dhoofka xoolaha Somaliland iyo go’aanka uu Sucuudigu ka qaatay, waxaa kale oo uu ka hadlay sannad guurada 59aad ee maalinta 26-june, oo ah maalinta ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska, 1960.

Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo qoraal uu arimahan ka hadlaya oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan

“Waxaan halkan hambalyo kal iyo laab ah uga gubinayaa ummadda Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aniga oo ugu hambalyeynaayo maanta 26 june oo ah maalintii aynu gobonimadeenii aynu ka helay:

Great Britain oo la xusaayo 59 guuradii ka soo wareegtay markii ay dhalatay Dawlad Soomaaliyeed oo xor ah tii ugu horeysay ee Hargeysa Caasimadda Jamhuuriyada Somaliland laga taaggay calan soomaaliyeed oo xor ah. Sidoo kale waxaan iyana halkan hambalyo uga gubinayaa: labada dal ee aannu  walaalaha iyo deriskaba nahay ee jamhuuriyada jabuuti iyo jamhuuriyada wadaagga ah ee Soomaaliya oo aan ugu hambalyeynaayo: labada maalmood ee: 27-june oo ah dhalashadii Jamhuuriyada Jabuuti oo ah maalintii ay ka xoroobeen ummadda reer Jabuuti gumeystihii Faransiiska iyo 1da luuliyo ama 1da july oo maalintii ummadda soomaaliyeed ee talyaanigu gumeysan jiray xoroobeen, isla 1da july 1960kii waxaa midoobay: somaliland state oo ahaan jirtay: british protectorate somaliland iyo somalia oo ahaan jirtay mustacmarad italy gumeysan jirtay halkaas oo ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ( the somali republic ) midnimadaasi oo somaliland doonaysay in ay: hal dal, hal calan iyo hal caasimad ummadda soomaalida ah ee shanta dal loo qaybiyay lagu mideeyo arritaasina waa sababtii somaliland ugu biirtay shuruud la’aan soomaaliya: ( that was the reason somaliland united to  somalia without conditions ). Haddaba maanta waxaynu ka dharagsan nahay siday ku dhamaatay midnimadaas aan la mahadin”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo qoraalkiisa sii wata ayaa yidhi“Bulshada Caalamku gogol u dhigtay fadhi weyne loo sameeyey: Somaliland iyo Somalia shirkaasi oo ay jooggeen: UN, USA, UK, EU, Turkey iyo dhawr dal oo European ah nasiib darro soomaaliya wey diiday ka qayb galka fadhigaas laakiin somaliland iyo dalalkii iyo uruurradii kale ee caalamiga ahaa shirkaas way galeen. Dawladda wadaagga ah ee jamhuuriyada soomaaliya waxay ku talaabsadeen laba arrimood oo lid ku ah:  ummadda jamhuuriyada somaliland, labadaasi oo kala ahaa: sucudiga oo ay ku qasbeen in aanay  ogolaan waraaqaha caafimaadka xoolaha ka dhoofaaya dekedda caalamiga ee berbera in aan laga ogolaan in ay somaliland bixiso waana in laga bixiyo mogadishu oo  kali arrintaasi oo ah nolol kala dagaallan ummadda jamhuuriyada somaliland waa xoojin caddaawadeed oo horle oo sii kala fogeynaysa labada ummaddood oo meello badan danwadaag ka ah sida: ganacsiga iyo arrimaha bulshada. Waxaa iyana xumaan abuur ah diidmada soomaaliya diidday in ay ka qayb galaan shirkii caalamku u qabtay somaliland iyo somalia iyana waa cadaawad abuur labaad. Allahow ummadda soomaalida ah caqliga fiican iyo caddaaladda ku hanuunni. Sikasta oo ay somaliland ula  dhamaan daladdaha  jabuuti iyo soomaaliya waxaan leeyahay: guul iyo gobonimo labadiinuba ku waara”

GABILEY.NET