Somaliland Imtixaanka Shahaadiga ah Oo Si Habsami ah uga Bilaabmay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka jsl.

Hargeisa(GNN):-Guud ahaan Waxaa Somaliland Si habsamiya uga bilaabmay Gobolada iyo degmooyinka dalka, Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Hoose Dhexe,

Waxaana maanta oo taariikhdu tahay 15/06/2019 maalin sabtiya si rasmiya uga bilaabmay goobihii loogu talo galay in ay ku galaan imtixaanaadka ardaydu dalka.

Waxaana sannadkan wasaarada waxbarashada Tacliinta sare iyo saynisku xafiiska imtixaanaadka Qaranka  oo u qaabilsan Masuuliyada Imtixaanada Kala duwan ee dalka ay sanadkan heegan buuxa galiyeen dhammaanba, dhammaanba laamaha kala duwan ee amaan iyadoo si ka duwan sanadadii hore loo adkeeyey dhaqdhaqaaqa imtixaanaadka iyo isticmaalka qishka iyo telefoonka.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Daahfuray markii ugu horeysay si heer qaran ah uu madaxweyne uga qayb qaato imtixaanaadka dalka si nabad galyo ah uga bilaabmay dalka.