SOMALILAND oo Lagu Tilmaamay Mucjiso Ku Dhex Taal Dadweyn Dhib Badan.

London(GNN):-Rory Stewart oo ah Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso ku dhex taala badweyn dhibaato badan.

Stewart ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladoodu ay taageeri doonto doorashooyinka kusoo fooda leh Somaliland.

Rory Stewart ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wada-hadalada hakad-ku ku yimid ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiiyen xildhibaano u ololeeya qadiyada gooni goosadka Somaliland.

“Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og-yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso layaab leh oo ku dhex taal bad dhib badan” ayuu yiri xildhibaan Stewart.

Wuxuuna intaas kusii daray “Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha”.

“Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas”.

Talaabooyinkan Ayaa Kamid kuwa ay Waddaan Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin caalmiya oo si dhow ula socoday horumarka ka tisqaaday Dalka Somaliland iyo sida ay wax u qabsadeen,

waxaana iyaguna jira siyaasiyiin ka socoday wadamada ingiriiska iyo sweden oo kasoo qayb galay Dabaal degii maalinta qaran ee xuska 18 May kuwaas oo warbaahinta caalamka la wadaagay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta qaranka somaliland iyo sida ay u dareemeen xasiloonida iyo deganaanshaha aan ka jirin badiba waddamada geeska africa ay kula nooshahay.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.