Somaliland: Wacyi-gelin ku saabsan Qishka ama eegashada Imtixaanka.

Ardayda Somaliland oo laga waaninayo inay Imtixaanka Qishaan…

Hoos ka Daawo

Wasaaradda Waxbarashada iyo horumarinta Sayniska Somaliland ayaa bilowday Barmaamuj Wacyi-gelin lagaga samaynayo xadista ama Qishka Imtixaanka Shahaadiga ah.

Farriin afar daqiiqo ka kooban oo lagu baahiyey Warbaahinta, ayaa Ardayda iyo Waalidiinta loogaga digay halista ay leedahay ku xad-gudubka shuruucda Imtixaanka, waxana ka hadlaya Masuuliyiinta Wasaaradda ee qaabilsan Imtixaanka iyo madaxda ugu saraysa Wasaaradda.

Halkan ka Daawo:

Olollahan wacyi-gelinta ah ayaa qayb ka ah dedaal xukuumaddu doonayso inay ku xakamayso gol-dalloolooyin ka yimaada Imtixaanka Shahaadiga ah, taasoo saameyn taban ku yeellanaysa haddii ay dhacdo mustaqbalka Ardayda waxbartay.