Suldaan Aadan Oo Tallo U Diray Madaxda Dhaqanka Iyo Xisbiyada

Suldaan Aadan Faraax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu si gaar ah talooyin ugu soo jeediyey Xukuumadda, Xisbiyada,Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedka dalka, waxaanu kula taliyey in danta dalka iyo dadkaba mar walba iska kashadan, kana taliyaan.

Suldaan Aadan Faraax Cumar, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku amaanay warbixinta uu ka soo jeediyey Golaha Guurtida ee dalka Faransiiska, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ka mid yahay Madaxweynayaashii ugu wanaagsanaa ee dalka soo maray, maxaa yeelay intii uu taladda dalka hayey Doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay si fiican oo nabadgalyo ku dheehan tahay ayey u qabsoomeen, markii taladda dalka lagaga guulaystayna si sharaf iyo maamus leh ayuu xilkii Madaxweynimo u wareejiyey, haddana wuxuu qaaday talaabo aad u fiican oo ku dayasho mudan madaama uu Aqalka Odayaasha Faransiiska ka soo jeediyey warbixin ku saabsan madax banaanida dalkeena iyo wixii inoo qabsoomay, masuul kasta oo dalka xilka ka soo qabtayna waxaa looga baahan yahay inuu ku daydo Daahir Rayaale, ”.

Mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland dib u xorayntii dalka iyo dib u dhiskii dalkaba kaalin muhiima ayey ka soo qaateen, waxaana ka mid ahaa Aabahay iyo Suldaan Maxamed Faarax iyo Salaadiin kale, markaas Madax-dhaqameedka doorkoodu uu muuqda, waxaana looga baahan yahay inay mar walba isku duubnida iyo midaynta umadda ka taliyaan, kana shaqeeyaan, waxaa looga baahan yahay in wixii khaldan ay saxeen, Madax-dhaqmeedka waxaa looga baahan in aanay ku milmin Siyaasada, saxaana wax kasta oo inaga qaloocda”.

Mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Maanta meel aad iyo aad u fiican baynu dal ahaan marayna, wixii inaga dhimana inaynu si wada jir ah u gaadhno, ayaa la inooga baahan yahay, tusaale ahaan maanta dalkeena waxaa u soo kacday Dhalinyaro iyo ubax cusub, oo Somaliya aan waxba ka aqoon, sidaynu ku arkaynay xuskii 18-may, markaas Xukuumadda mar walba waxaa looga baahan yahay inay ku dadaasho sidii ay Dhalinyarada kala duwan ee dalka ee Jaamacadaha ka soo baxaysa inay meelayso, oo ay jihayso, isla markaana shaqo abuur u sameeyso, anigoo Xukuumadda ugu mahadnaqaya barnaamijka ay wado ee shaqo qaran”.

Suldaan Aadan mar uu ka ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Xisbiyada inuu khilaafkiinu sii jiitamo maaha, ee wax walba waa laga heshiiya,ee isku yimaada, wada tashi iyo wada jir arimaha aad isku haysaan ku xaliya, kuna dhammeeya, wakhtigu uu is guraya, ee Xisbiyadu khilaafkooda si wada jir ah ha u soo af jaraan,oo heshiis kama dambays ah ha gaadhan”