Waa Tuma Gabadha Trump Ee Bah Goonida Ah?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Booqasha ku jooga dalka Ingiriiska.

Waxa uu la yimid diyaarado, gaadiid badan iyo shaqaale gaaraya kun qof.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la yimid qoyskiisa.

Qoyskiisa ayaanan hadda ahayn kuwa la hadal hayo, balse waxaa aad loo hadal hayaa gabadhaan oo aan sidaa loo aqoon.

Tiffany waxa laga yaaba inaan aqoon loo lahayn, balse waxa ay haysataa taageerayaal aad u badan marka la eego dhanka baraha bulshada.

Balse waalaheed ayaa si weyn uga qayb qaata siyaasadda iyo ganacsiyada aabahood, Tiffany ayaa ku howlanayd barashada heerka jaamacadda sare ee sharciga.

Waxay wax ka baranaysay jaamacadda sharciga ee ku taala Washington DC tan iyo sannadkii 2017-dii.

Maahan markii ugu horreysay ee Tiffany timaado London.

Seygeeda Michael Boulos, waxa uu jaamacad ka bartaa magaalada London , marar badan ayaana shaaciyey kulankooda.

Seygeeda ayaa ku soo koray Nigeria, dalkaas oo madaxweyne Trump uusan taxadar gooni ah siin sanadihii la soo dhaafay.

Tiffany ayaa waxa ay ku soo barbaartay California.

Waxa ay samaysay shaqooyin sida xayeysiinta dharka, iyada oo ka qayb gashay bandhiga dharka ee New York.

Tiffany ayaanan lagu arkin ololahii doorashooyinka aabaheed 2016-kii.

Balse maqnaashaheeda ayaa la sheegay inuu la xiriiray waxbarashadeeda.

GABILEY.NET