Wakiil-Ganacsiyeedka Cusub Ee Somaliland U Fadhiya Waddanka Shiinaha Oo Baaq U Diray Ganacsatada Dalka.

Hargeisa(GNN):-Wakiil-ganacsiyeedka cusub ee dhawaan Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay waddanka Shiinaha Amb Cawil Ibraahim Cali ayaa baaq-ganacsi u diray dhamaanba ganacsatada Somaliland waxaanu ugu baaqay in Xafiis-ganacsiyeedka loo igmaday uu ka saacidi-doono dhamaan howlaha ganacsi ee dalwaynaha Shiinaha una fududayn doono howlahooda ganacsi.

Amb Cawil Ibraahim Cali ayaa ugu baaqay ganacsatada noocyadeeda kala duwan ee wax ka soo iibsata waddanka Shiinaha uu xafiis-ganacsiyeedkani u fududayn doono xidhiidh wanaagsan oo sahlaya in ganacsade kastaa qaab fudud ku heli karo oo la hubo howlahiisa ganacsi.

Amb Cawil Ibraahim Cali ayaa sheegay in uu jiro qorshe socday oo xidhiidh kaas oo ka dhexeeyay Shiinaha iyo Masuulka cusub.

Waxaanu ku adkeeyay ganacsatada in qorshaha shaqo ee xafiis-ganacsiyeedka Somaliland ee dalka Shiinahu damaanad qaadayo in muwaadinka ganacsiyaga ka soo waaridaya Shiinaha loo fududeeyo howlahiisa ganacsi oo Xafiiskani sahlo waxii caqab ah ee ka hor iman lahaa ganacsatada.

Gabagabadii waxaa uu ku adkeeyay ganactada in ay wadda shaqayn buuxda la yeeshaan xafiiskan si loo adkeeyo xidhiidhka labada dal loona dardar-galiyo isku codka howlaha ganacsi ee Somaliland iyo Shiinaha.

Amb Cawil Ibraahim Cali ayaa hore ugu hirgaliyay ganacsato kala duwan talaabooyin horumareed iyo nidaam ganacsi oo najaxay ka hor intii aan Madaxwaynaha Somaliland u igman xilkan.