War Deg-Dega-Madaxweynihii Hore Dalka Masar Maxamed Morsi oo Geeriyooday.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.

Maxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee shacabka Masar si xor ah u soo doortaan. Waxaana inqilaabey sanadkii 2013, Hoggaamiyihii Milteriga ee isagu magacaabey Cabdulfataax Sisi, kadib mudaaharaadyo is-dabajoog ah oo ciidamadu soo abaabuleen. Mursi ayaa Milteriga Masar dhigeen xabsi ay lee yihiin oo ku yalaa banaanka Qaahira.

Sanadkii 2014 waxaa Maxkamadda Masar ay dil ku xukuntey 1212 qof, waxaana kamid ahaa Hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Baadiye