Wasiirka Arimaha Debada Somaliland oo la Kulmay Safiirka Sucuudiga ee Kenya ,Maka Wada Hadleen Dhoofkii Xoolaha?.

Nairobi(GNN):-Wasiirka Arimaha Debada Somaliland Mud.Yaasiin xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya kula kulmay safiirka Dawlada Sucuudiga ee Kenya Dr.Maxamed Khayat. Wasiirka iyo safiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay kaasoo ay ku falaqeeyeen arimaha Geeska afrika iyo xidhiidhka labada dal.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arimaha maalgashiga iyo sidii dawlada Sucuudigu umaalgashan lahayd Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kale sida ilo xog-ogaali tibaaxayaan labada dhinac waxay kawada hadleen dhoofkii xoolaha iyo qaabka ugu haboon ee dawlada Sucuudigu dib ugu furi lahayd Dhoofka Xoolaha Somaliland.
Wasiirka ayaa todobaadka safar ku joogay magaalada Nayrobi halkaas oo kulamo kala gedisan kula lahaa masuulyiinta waddanka Kenya iyo Madaxda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nayroobi .
Inkasta oo aanu Jirin wax faahfaahin ah oo kasoo baxay kulankan Labada masuul yeesheen haddana waxa jira warar hordhac ah oo ay warbaahintu heshay.
Halkan Ka Akhriso Warfan Oo Faahfaahsan Oo Luuqada Englinsh ah.