Xisbiga Amxaarada Ee Itoobiya Oo Canbaareyay Xadhiga 56 Qof Oo loo Xidhay Isku-daygii Afganbi.

Ugu yaraan 56 xubnood oo taageersan xisbiga mucaaradka ah ee National Movement ee ka jira gobolka Amxaarada ayaa xabsiga loo taxaabay, sida uu sheegay afhayeenka xisbigaasi Kalkidan Yibeltal.
Xadhigan ayaa daba socda afgambigii dhicisoobay ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka xisbiga Christian Tadele ayaa sidoo kale sheegay in dadkan laga xirxiray gobolka Oromada, iskastoo aysan booliiska Itoobiya wali ka hadlin xadhigaasi, loo gaystay dadka taageersan xisbiga Amxaarada.

Tan iyo markii xisbigan National Movement laga aasaasay gobolka Amxaarada sannadkii hore wuxuu mucaaradad kala kulmay xisbiga Amxaarada ee qaybta ka ah isbahaysiga talada Itoobiya haya.

Siskastaba ha ahaatee Xisbiga Amxaarada ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolkaasi, isagoo si kulul u cambaareeyay falalkii isku dayga afganbi ee ka dhacay gobolkaasi.

GABILEY.NET