Xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye Oo Jawaab La Xidhiidha Doorashada Ka Sugaya Waddani

Hargeysa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa ka hadlay Maxaabista Somaliland ee Puntland u xidhan, xilli Somaliland fasaxday Maxaabiistii Puntland ee u xidhayd, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Maxaabiista Somaliland ee Puntland u xidhan in la soo dayn doono.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, ismarin waaga XIsbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamka, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay anaga oo wax ka weydiinay sababta keentay in ilaa hadda Puntland soo dayn weydo Maxaabiista Somaliland ee u xidhayd, “Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, talaabo aad iyo aad u wanaagsan, oo gobonimo leh ayuu qaaday, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuna aad bay u soo dhaweeyeen go’aanka uu ka qaatay Maxaabistii Puntland, inaguna aad iyo aad baynu ugu rajo weynahay oo boqolkiiba boqol weynu ku kalsoon nahay inay Puntland inoo soo dayso Maxaabiista ay inaga haysto”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada, ismarin waaga Xisbiyada iyo Beesha Caalamka, ayaa wuxuu yidhi “Beesha Caalamku aad bay u doonaysaa inay Doorashadu inoo qabsoonto, Doorashada oo inoo dhacdana danteena ayaa ku jirta, Beesha Caalamka, gaar ahaana Wadamada inaga caawiya Doorashadu waa u diyaar inay Doorashadeena inoo qabtaan, Xisbiyada kulmiye iyo UCID waa u diyaar Doorashada inay galaan, laakiin Xisbiga Waddani ayaa ilaa hadda aan diyaar u ahayn, oo jawaab laga sugayaa, markaas Xisbiga Waddani-na waxaanu ku rajo weyn nahay inay Doorashada ogolaadaan, Doorashada oo sidii loogu tagalay inoo qabsoontana wax badan iyo faa’iido ayey inoo leedahay, waxayna keenaysaa in geedi socodkeena Dimuqraadiyadeeda ay sare u sii qaado, Doorashada oo inoo dhacdana cid kale ama Wadan kale dani uma ah ee inaga Somaliland ahaan ayey dani inoogu jirtaa”.