Yaa Masuul Ka Ah Mugdiga Iyo Laydh La’aanta Habeenkii Haysata Labada Biriish Ee Hargeysa?

Hargeysa (GNN):- Shacabka Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumada iyo dawlada hooseba ay awoodi waayeen in labada biriish ee caasimadda Hargeysa ay yihiin kuwo madow oo bilaa laydh ah.

Labada biriish ee caasimada ayaa habeenkii aan lahayn wax laydh ah muddo aad u dheer waxaana inta badan dadka dul lugeeyaa ay isticmaalaan ilayska gaadiidka biriishyadaas dul maraaya iyada oo xiliga danbe ee habeenkii  ay baqdin badan ku abuurto dadka dul maraaya hadaanay caawin gaadiidka biriishyadan isticmaalaa.

Haddaba; qaar ka mid ah shacbiga Hargeysa oo wargeyska Geeska Afrika uu fikirkooda wax ka wadiiyay kadib markii uu sawiro ka soo qaaday biriishyadaas oo aan lahayn wax laydh ah, ayaa wax la’la yaabo in labada biriish ee caasimadu ay ku suganyihiin xaalad ilays la’aan ah.

Ugu horayntii Cabdicasiis Aadan Cilmi oo fikirkiisa arintan ka dhiibanaayay waxa uu yidhi “Ayaan-daro ka wayni majirto in labadii biriish ee  caasimadu laydh La’yihiin, waana damiir xumada dadka loo igmaday bilicda casimada inay tahliwaayaan inay laanbado Ku xidhaan labada biriish, xukumaduna dhaliisha iyaday dusha kasarantahay”

Boqol Dhaan Xasan Cilmi ayaa isaguna aragtidiisa dhaliisha dusha ka saaray shacab iyo dawladba

“ Hadaan fikirkayga cabiro, waa layaab in caasimada badhtankeedu u Madaw noqdo, siiba labada biriish marka aan ku koobnaano waa wax aad u fudud in laydh loo shido, laakiin waxaan fikirkayga qabaa in dawlada hoose oo shaqadeeda ay ka mid tahay bilicda iyo amaanka  magaalada ay ka gaabisay, dhanka kalena shirkadaha laydhka laftooda ayaa ku ceebaysan, sababtoo ah waxay adeegooda ka iibiyaan dhamaan caasimada oo nidaam dhiigmiirad-nimo ah ayay u iibiyaan adeegooda, ma waxa ay garan waayeen bulshada iyo dalka ay lacagta shan laabka ah ka qaadaan wax dib ugu celiya?, marka labadaba laga yimaado waxa kale oo iyaguna qayb ka ah shacabka iyo ganacsatada la jaarka ah labada biriish ee caasimada. Ugu dambayn waa wax aad u fudud in la shido laydhkaasi laakiin waa la hagraday!.”

Cabdishakuur Axmed Raage, ayaa isna yidhi  “Biriishyadu waa inay iftiin yeeshaan maadaama oo si la mid ah wadooyinka caadiga ah aannay meherado iyo guryo iftiimiyaa ku ool. Amaanka qaranka, quruxda magaalada iyo bedqabka bulshada isticmaalaysaba waa u muhiim in biriishku iftiin lahaado, dawladda ayaa ka masuul ah guud ahaan ammaanka, iftiinka biriishkuna wuxuu kor u qaadayaa nabadgalyada. Biriishyada labada ah ee Hargeysi waxay u dhaw yihiin xarumo dawladeed iyo goobo ganacsi oo muhiim ah, waxay ahayd in ay ku baraarugaan”

Ayaan Mustafe Ismaacil ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in biriishyadii lagu xaragoon lahaa ay u eekaadaan mugdi “ Waa aan ka xunahay in magaalada Hargeysa oo caasimad ah aanay biriishyadeedu lahayn wax laydh ah, waa dayacaad ka timi dawlada hoose iyo xukuumadaba, waana wax laga xumaado in biriishyadii inta la qurxiyo lagu faani lahaa inay maanta kharaabado u eeg yihiin.”

Ugu danbayntii Cabdicasiis Xasan Maxamed ( cabdicasiis Lafta-Gareen) ayaa aragtidiisa sidan u dhigay “ Labada biriish waxay astaan u yihiin isku xidhka magaalada Hargaysa, haddii ay tahay dhaqaalaha ahaaan iyo amniga ahaan ba Labada waxay qayb ka yihiin taariikhda magaalada Hargaysa Intaas waa muhiimada labada biriish ee Harageysa, Hadaba yaa masuul ka ahaa in aanay laydh lahayn waxa masuuliyadeeda qaadaya oo ku ceebaysan golaha deegaanka ee Hargeysa”

Haddaba, yaa ku ceebaysan oo ay masuuliyadooda tahay in labada biriish ee Hargeysa oo ku yaala badhtamaha magaaladu ay noqdaan kuwo mugdi ah oo bilaa koronto ah?

Source:- Geeska