Agaasimaha Hey,Ada Lacagta Aduunka Oo Iscasishay + [ Sababta ]

Agaasimaha dhanka maamulka ee hey,ada lacagta aduunka oo loo yaqaan (IMF) Christine Lagarde ayaa sheegtay in ay ka dagi doonto Xilka.

Go,aanka iscasilaada ah ee ms Lagarde ayaa yimid kadib markii loo doortay madaxa bankiga dhexe ee Yurub.

Haweeneydaan ayaa xaqiijisay in 12 bisha September ay ka tagi doonto shaqada ay ka heyso hey,ada IMF.

Ms Christine oo horay uga soo mid noqotay golaha wasiirada ee Faransiiska ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii aheyd agaasimaha dhanka maamulka ee hey,ada lacagta Aduunka.

Hadii gudiga midowga Yurub uu ansaxiyo xilka loo doortay Christine Lagarde ayaa waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horeysay ee noqota madaxa Baanka dhexe ee dalalka Yurub.

Dhanka kale hey,ada IMF ayaa sheegtay in guda gali doonto sidii loo soo magacaabi lahaa shaqsiga xiga ee badalaya Haweeneydaan.

GABILEY.NET