Deg Deg Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ayaa 7 Cisho Rumaana Ku Riday Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley Ee Xidhnaa +Sharci Jabinta Loo Maray

  1. Hargeysa(GNN)Waxa Saaka Aroortii Hore Maxkamada Gobolka Maroodji Jeex  La Horkeenay 6 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,

Maxkamada Ayaa Xildhibaanadan Udirtay 7 Cisho Oo Rumaana,Waxana Layskugu Soo Noqonayaa In Si Furan Loo Gudogalo Dhageysiga Dacwada Lagu Soo Oogay Xildhibaanada.

Xildhibaanadan Ayaa Xeerilaalintu Waxay Ku Soo Oogtay In Ay Uhogaansami Waayeen Amar Ay Soo  Saartay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Amarkaasi Oo Lagu Madnuucay In La Qaban Karo Kalfadhi Aan Caadi Aheyn Oo Xilka Lagaga Xayuubin Karo Maayerada Hada Jooga.Balse Xildhibaanadan Ayaa Ka Soo  Horjeestay Amarka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Ku Saleysan  Joojinta Mooshinka Xilka Qaadista Ah.

Xeerilaalinta Ayaa Xaashida Eeda Ee Ay Usoo Gudbisay Maxkamada Ku Sheegtay In Xildhibaanadan Xidhan Ay Si Cad Udiideen Amaamiirta Wasaarada Arimaha Gudaha.Isla Markaana Ay Iska Dhaga Tireen Waraaqda Ka Soo Baxday Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Joojinta Kalfadhiyada Aan Caadiga Aheyn Iyo Keenista Mooshinada Xilka Qaadista Maayerada.

Xildhibaanada Oo Qaarkood Intaan La Xidhin Ka Hor Ay  Warbaahinta La Hadleen Ayaa  Ku Andacoonayay In Ay Xaq Dastuuri Ah Uleeyihiin In Ay Badalaan Maayerka Oo Ay Qabsadaan Kalfadhi Aan Caadi Aheyn Isla Markaana Aanu Ka Hor Istaagi Karin Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xildhibaanadan Xidhan Ayaa Saaka Maxkamadu Udirtay 7 Cisho Oo Rumaana,Balse Arintaasi Ayaa Umuuqata Mid Dhabarjab Ku Ah Sharciga Iyo Dastuurka Somaliland Maadama Xildhibaanku Uu Leeyahay Xasaanad Ayna Mudan Tahay In  Lagu Ixtiraamo.