Hargeysa (GNN):- Danjire James Swan oo ah ergayga uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u magacaabay arrimaha Soomaalida iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inuu socdaalkiisii u horeeyay ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Danjire Swan ayaa la filayaa inuu Hargeysa kula kulmo Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale. Tan iyo markii laba bilood ka hor la magacaabay ergaygan waa socdaalkii u horeeyay ee uu ku yimaado Somaliland.
Diblomaasigan Maraykanka ah ayaa ka hor xilkan Qaramada Midoobay wuxuu ahaa safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaalida, waxaanu wakhtigaas ahaa sarkaal xogogaal u ah arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dhawr goor la kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Wargeyska Geeska Afrika ayaa dib ugu noqday kaydka uu ka hayo ergaygan socdaalka ku imanaya Hargeysa oo hore si waafi ah uga hadlay qaddiyadda Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo gobalka ku saabsan.
September 2012
Bishii September ee sannadkii 2012, wuxuu danjire James Swan ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya,
Danjire James Swan, oo markaas ahaa safiirka dalka Maraykanka u qaabilsana Somaliland iyo Somaliya ayaa shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka. Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo la xidhiidhay hadal uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay uu ku balan qaaday inuu sii wadayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi safiirku “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.”
March 2013
Bishii March ee sannadkii 2013, wuxuu danjire James Swan, waraysi uu siiyay koox lagu magacaabi jiray USDOTSomali, oo ka tirsanayd wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaanu waraysigaas ku sheegay in Maraykanku la dhacsanyahay horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiydada, “Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhaafay iyaga oo si heersare ah u ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha.”
Wuxuu diblomaasigan Maraykanka ahi intaas raaciyay “ Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka Somaliland iyo maamulka dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno, isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.”
Source:- Geeska