Faraqa U Dhexeeya Cadaawada ay Dawlada Muqdisho U hayso Dawladaha Somaliland iyo Kenya…W/Q:-Cali Mahdi Jibriil Xassan.

Bal Halkan soo yara eeg !
+++++++++++++++++++
Tan iyo Markii uu soo baxay Khilaafkii Dalka aynu Jaarka nahay ee Somalia iyo Kenya, Dhibaatooyin badan ayay Kenya u geysatay Somalia lkn kama aysan Fal celin, Talaabooyinka Kenya qaaday ee liddiga Dalka ay jaarka yihiin ku ah, waxaa ka mid ahaa:

• Kenya waxa ay ugu horeyn Cadaadis saartay Qaxoontiga Somalia ee ku nool Dalkeeda waxa ay u geysteen Tacadiyo badan Qaar Guryo Cariishyo ah ayay ka gubeen, kuwo kale oo ku Ganacsanayay suuqa Soomaalida ee Islii waxa ay u geysteen Dhibaatooyin ay ka mid tahay boob, cashuur kordhin iyo Cadaadis laakiin Somalia kama aysan hadal Dhibtaas.

• Madaxda Dalkaas Soomaaliya laftarkooda dalkooda ayay ka mamnuuceen, qaar madaarada ayay ka celiyeen oo way tarxiileen balse Dowladda Somalia kama aysan hadal.

• Siyaasiyiin Reer Somalia ah, waa ay xidh xidheen iyo dhalinyaro kale oo Kenya ku sugnayd lkn Maamulka Somalia waqtigan ka taliyaa kama aysan hadal.

• Waxay dileen Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somalia, halka ay kaxaysteen ciidamo kale oo ay hubkii ka dhigeen xuduuda u dhaxaysa labada dal ee ay ka dhisayaan Xadkii Baarliin oo kale, hadana somalia kama aysan hadal dhacdadaas.

• Qolyaha Maamula Badda Somalia ee sheega in ay budhcad badeeda la dagaalamaan waxa ay badaas ku wareejisay kenya oo ay tidhi iyadaa hogaaminaysa hawlgalada biyaha somalia wayna la wareegeen iyagoo muran ka dhexeeyo hadana wax war ah kama aysan soo saarin Madaxda Somalia.

• laba mar baa jira oo ay ka hadleen falalka kenya kula kacdo, midi waxa uu ahaa Markii Safaaradaha lala kala noqday taana iyagaa danaysanayay oo Kenya tagga una nabad doonta, marna waxa ay ahayd markii Wajeer ay dheheen ha lagu baadho Diyaaradaha Somalia ka yimaada labadaasna madax ahaan bay saamaynaysay lkn dhibaayooyinka kale ee lagula kaco hal mar kama aysan hadal.

• Xildhibaan Kenya Baarlamaankeeda ka tirsan waxa uu ku baaqay in la laayo dadka reer Somalia oo laga aarsado, Falkaas kama aysan hadal Dowladda Somalia.

• Dhawaan mar Xog-hayaha Arimaha Dibeda ee Dalkaasi Kenya Twitar-keeda ku qortay in Ay aqoonsanyihiin Xuduudihii Ingiriiska Xidhiidh toos ahna la leeyihiin Somaliland, dano-na ay ka leeyihiin sidii ay South Sudan uga lahaayeen ka hor intaan la aqoonsan, Aad ayay arintaasi u gubtay, Qoraalo ayay ka soo saareen, Safiirkii Kenya ayay u yeedheen Wefti arintaas kala hadla Kenya bay u direen Nairobi, way dhibsadeen wayna Xanuujisay Tweet-kaa yar ee Haweenaydaasi qortay, hada waxaaba dhici karta Safarka Madaxweynaha ee Dalka Ginni sida loo soo dhaweeyay Cadhada ay ka qaadeen in ay Qaramada Midoobayba Dalkaasi ka Dacweeyaan.

M A X A A H A L K A A K A M U UQ D A
———————————————————————
– Waxa aad Halkaas ka Qiyaasi kartaa Heerka Nacaybka ay u Qabaan Dalka Somaliland Gaadhsiisan yahay.

– Waxa aad Halkaas ka garan kartaa inta uu le’eg yahay Dagaalka ay Somaliland kula jiraan oo gaadhsiisan in waxaas oo dhib ah oo Kenya u geysato uu kala Culus yahay Tweet yar oo laga qoro Somaliland.

Hadaba marka aad tahay Muwaadin Somaliland u dhashay Sideed u aragtaa Ficiladaas oo kale? Maxaase halkaa kaaga soo baxa?