Foolkaano Ka Qaraxday Jasiirad Ku Taal Talyaaniga Oo Khasaare Dhalisay + [ Sawiro ]

Foolkaano ayaa ka qaraxday Jasiirad Talyaaniga ku taal oo lagu magacaabo Stromboli, foolkaanada ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxayna walaac ku abuurtay dadka dalxiiska halkaas u jooga.

Ninka dhintay ayaa waxaa haleelay dhagax meel sare ka soo dhacay, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Maraakiib ayaa halkaas la geeyey si loo soo daad gureeyo dalka goobtaas ku sugan, waxaana goor horeba halkaas laga soo daad gureeyey dad gaaraya 70 qof.

Foolkaanadan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarsan caalamka ayaa qarxaysay tan iyo sannadkii 1932-dii.

“Nasiib darro hal nin ayaa dhintay, dhowr qofna waa ay dhaawacmeen, balse qof si halis ah wax u gaareen kuma jiro,” ayuu yidhi Calogero Foti oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.

Qofka dhintay oo 35 jir ahaa ayaa ka yimid jasiiradda Sicily kaas oo tafayey buur halkaas ku taal markii ay foolkaanadu qaraxday.

Saxiibkiis oo reer Brazil ah ayaana la helay asagoo fuuq baxay oo argagaxsan, sida ay ku warrantay warbaahinta AGI.

Dadka dabka damiya ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u bakhtiin lahaayeen holaca qabsaday jasiiraddaas.

“Hoteelka ayaan ka aragnay uurada uu qaraxu sameeyey. Qarax xooggan ayaa dhacay,” ayay tidhi Michela Favorito, oo ka shaqaysa hoteel ku yaal jasiiraddas.

“Dhagihii ayaa na xidhmay dambas ayaana na qariyey dhammaanteen. Cirka oo dhan dambas ayaa is qabsaday, wax aad mooddo daruur oo kale,” ayay tidhi.

Fiona Carter, oo ah dalxiise u dhashay dalka Britain oo ku sugnayd jasiiradda Panarea, oo 17 kilometer u jirta jasiiradda Stromboli, ayaa sheegtay in ay qaraxa foolkaanada maqashay.

“Waxaan aragnay uuro aad daruur mooddid oo ka imaanaysa dhanka jasiiradda Stromboli. Qof kasta waa uu argagaxay,” ayay tidhi.

Dalxiiseyaashii ayaa lagu soo warramayaa in ay badda u carareen kaddib markii ay arkeen uuro iyo dambas dhankooda u soo socda.

Jasiiraddan ayaa caan ku ah dalxiiska waxaana halkaas taga dadka hodanka ah iyo kuwa caanka ah.

Qaraxii foolkaano ee ugu waynaa ayaa halkaas ka dhacay sannadkii 2002-dii, waxaana xilligaas burburay dhismeyaashii ayadoo lix qofna ay ku dhaawacmeen.

GABILEY.NET