Hoggaamiyaha Shiicada Nigeria Oo Maxkamad lasoo Taagayo, Markii Rabshado Hadheyeen Dalkaasi.

Hoggaamiyaha Shiicada dalka Nigeria Ibraahim Zakzaky ayaa maanta la filayaa in la horgeeyo maxkamad ku taalla dalkaas, kaasoo lasoo xidhay sanadkii 2015kii.

Wadaadkan ayaa lagu eedeeyay inuu carqaladeynayay ammaanka dalkaa, islamarkaasina isku day dil sameeyay,waqti iska hor imaad ku dhexmaray taageerayaashiisa iyo militariga Nigeria gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kaduna.

Qareenada Sheekh Ibraahim Zakzaky u doodayay ayaa codsaday in lasii daayo si daweyn caafimaad loogu qaado dalka dibaddiisa, waxuuna sheegay in Sheekha uu labo jeer uu ku dhacay xannuunka shalalka intii uu xabsiga ku jiray.

Taageerayaasha waddaadkan shiicada ah ayaa dibadbaxyo joogta ah ka dhigayay magaalada Abuja, iyagoo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo, waxaana xusid mudan intodobaadkii hore ay dad badani ku dhinteen rabshado dhexmaray taageerayaashiisa iyo booliska dalkaasi.