Iran Oo Sheegtay In ‘Cadowgeeda’ Uu Ka Baqay Dagaal

Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in “cadowgooda” ay ka baqeen suurta-galnimada dagaal ay la galaan Iran, taa beddelkeedna ay diiradda saarayaan dagaal dhaqaale, sida ay werisay wakaaladda wararka dalkaas ee Fars.

“Marka ay noqoto dhanka dagaalka, waxaan si buuxda usoo xirnay waddadii cadowga” ayaa laga soo xigtay Jeneral Hossein Salami.

“Xaaladda iminka la joogo, cadowga ayaa ah kuwa ka wel-welsan bilowga dagaal, waxaana walaacan uu ka muuqdaa dhaqankooda iyo xeeladdooda…waxaa hadda u furan oo kaliya dagaal dhaqaale” ayuu yidhi

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa korortay tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu sanadii tagtay Washington ka saaray heshiiskii Nukliyeerka Iran, islamarkaana uu mamnuucay in la iibsado saliidda Iran.

Bishii tagtay Mareykanka ayaa qarka u istaagay inuu duqeeyo Iran, markii madaxweyne Trump uu daqiiqadihii ugu dambeeyey ka laabtay weerar aargudasho ahaa oo Iran lagu qaadi lahaa.

Trump ayaa sheegay inuu ka laabtay weerarkaasi, oo looga aargudan lahaa diyaarad Drone oo Iran ay soo riday, kadib markii uu ogaaday inay dad badan ku dhiman lahaayeen.

GABILEY.NET